WAR DEG DEG:- AL-Shabaab oo weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Tirro Madaafiic ah lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi.

Dhawaqa Xoogan ee Madaafiicda ayaa laga maqlayey Nawaaxiga Madaarka Kismaayo kaas oo la soo sheegayo in Hareeraha ay ku dhaceen Madaafiic lagu ganay Garoonka.

Saraakiil katirsan Maamulka Jubba oo aan la xiriirnaya ayaa inoo suura gelin in ay ka jawaabaan telefoonada warqaad balse Dad deegaanka oo nala hadlay ayaa inoo sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiicda & Jug culus.

Al-Shabaab ayaa baraha internetka waxaa ay ku soo daabaceen in Madaafiicda ay gesteen khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac inkastoo warkaas xaqiiqadiisa aanan hayen.