WAR DEG DEG:- Booliska oo rasaas u adeegsaday shacab Banaanbax ku dhigaayay Afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland

0

Ciidamada Booliska Magaalada Garowe ayaa rasaas u adeegsaday dad shacab ah oo Banaanbax ku dhigaayay Afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Puntland.

Dadkaan oo isugu soo baxay halkaasi ayaa waxa ay ka cabanayeen Qiimo koror ku yimid Badeecada Magaalada Garowe, waxaana ay dalbanayeen in arintaasi Baarlamanka ay wax ka qabtaan.

Dadka Banaanbaxa dhigaayay oo Haween u badnaa ayaa xidhay guud ahaan wadada horumarta Xarunta Baarlamaanka, waxaana ay diideen in halkaasi dadka iyo masuuliyiintaba ay maraan.

Ciidamada Booliska ayaa isku dayay inay kala ceyriyaan dadka, hayeeshe Haweenkii Banaanbaxa dhigaayay ayaa taasi ka dhaga adeegay, iyadoo ugu dambeyn arinta ay isla gaadhay in ciidamada ay rasaas ku ridaan dadka shacabka.

Ciidamada Booliska waxa ay qabteen tiro Haween ah oo Banaanbaxa hormuud ka ahaa, kuwaasi oo lagu xidhay Saldhiga Magaalada Garowe.

Saraakiisha Booliska weli kama aysan hadlin dhacdadaan maanta lagu rasaaseeyay dadka shacabka ah, inkastoo aanan la soo sheegin Khasaare rasmi ah oo ka dhashay rasaastaasi ciidamada Booliska shacabka ay ku fureen.

Arintaan ayaa muujinaysa in shacabka aysan muujin karin rabitaankooda iyo diidmadoda intaba, kol hadii rasaas loo adeegsanaayo.