WAR DEG DEG:- Ciidamada Galmudug oo Cadaado ku qabtay ku dhawaad 100 Ruux

0

Ciidamada Ammaanka  Galmudug oo Maanta Howlgal ka sameeyay Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Cadaado  ku soo  qabtay Dad ku dhaw ilaa 100 Ruux.

Ciidamada Galmudug ayaa Howlgalo kala duwan oo Magaalada ay ka fuliyeen waxaa ay ku qabteen ilaa 86 Ruux oo Saraakiisha Maamulku ay sheegeen in ay issugu jiraan Al-shabaab iyo Tahriibeyaal.

Cumar Macali Cali oo ka mid ah Saraakiisha Galmudug ee jooga Magaalada Cadaado ayaa sheegay in Dhalinyaradaan ay isugu jiraan Shabaab iyo kuwo kale oo doonayay in ay ka tahriibaan Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland.

Sidoo kale Sargaalka u hadlay Ciidanka Galmudug ayaa intaa ku daray in Baaritaan lagu hayo iyo kala Sooc intaba Dhalinyaradaan Gacanta lagu dhigay.

Hayeeshee ma cadda sida ay Galmudug ka yeeli doonto 86 Ruux ee ay sheegeen in ay isugu jiraan Shabaab iyo Tahriibeyaal.