WAR DEG DEG:- Ciidamada Puntland oo Heegan buuxa la galiyay.

0

Gollaha Xukuumadda ee dawladda Puntland ayaa maanta shirkii Khamiis lahaa sheegay in ay ciidamadu ku jiraan heegan sarre, isla markaasna laysku xiray dhamaan ciidamada, si ay uga hortagaan weeraro kasta iyo falal amaan darro oo ay abaabulaan kooxaha Argagixisada ah ee Al- Shabaab.

Kulanka gollaha ayaa lagu xaqiijiyey in amaanka Puntland uu yahay mid sugan, oo ay har iyo habeen ciidamadu u taagan yihiin sidii ay ula socon lahaayeen cadowga doonaya in ay hagardaameeyaan amniga iyo kala dambeynta ka jirta Puntland.

Gollaha ayaa sheegay in wada shaqeynta laamaha amniga oo la kordhiyey ay ka hortagayso fal kasta oo ay doonayaan Ururada Xagjirka ah in ay fuliyaan bilaha Shacbaan & Ramadaan, waxa ayna ciidamadu ku jiraan xili kasta howlgalo kooxahaas lagu baacsanayo.

Kulankan gollaha ayaa sidaas oo kale lagu soo qaaday arrimaha Shaqaalaha Puntland oo dib loo fiirin doono Tayadooda & arrimaha la xariira Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigtay Wasaaradda deegaanka Puntland.

Ciidamada Difaaca ee Puntland (KDF) waxa ay dhabarka ka jabiyeen kooxo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al- Shabaab, kuwaas oo Bishii March 14-keedii doonyo ku soo gaaray Xeebaha gobalada Mudug & Nugaal, ayna doonayeen in ay ku qabsadaan, taasina waxay qeyb ka ahayd guulaha Milateri ee ay gaareen ciidamada dawladda Puntland sannadkan.

1-Shirka-Golaha-Xukuumadda-26-May-2016-page0001-724x1024