WAR DEG DEG:- Daacish oo markale sheegatay Weerar ka dhacay Dalka Soomaaliya

0

Kooxda Daacish oo ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerarkii labaad oo ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Ururka Daacish ayaa lagu xusay in Dagaal yahanadooda ay Weerar ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya oo ku sugan Degaanka Siinka-dheer ee Magaalada Muqdisho.

Weli Bayaankan laguma sheegin hadii uu jiro khasaaro Weerarkaasi lagu gaarsiiyay Ciidamada Nabad Sugida ee Dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa waxuu noqonayaan Weerarkii labaad oo ka dhaca Duleedka Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay mas’uuliyadiisu sheegtaan Ururka Daacish.

Ilaa iyo hadda majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Nabad Sugida Soomaaliya oo ku aadan Weerarkaasi ay sheegteen Kooxda Daacish.