WAR DEG DEG:- Dagaal mar kale ka dhacay Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay dagaal kale uu ka dhacay,kaas oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen Magaalada Ceel-waaq gaar ahaan Fariisin Ciidamada Xoogga Dalka ay leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu Sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo Dhaawac oo soo kala gaarau Dhinacyada ku dagaalamay halkaa.

Shalay ayaa waxaa ka dhacay Magaalada Ceel-waaq Dagaal dhimasho iyo Dhaawac Sababay,iyadoo Al-shabaab laga dilay ilaa 6 Dagaalame,halka Ciidamada Dowladda dhankooda uu gaaray khasaaro dhimasho iyo Dhaawac leh,iyadoo Dadka dhaawacmay uu ku jiro Sargaal ka tirsan Maamulka Magaalada Ceel-waaq Ee Gobolka Gedo.