WAR DEG DEG:- Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo Dad kala dagay Gaari ku safraayay Galgaduud

0

Xuduuda labada gobal shabeelaha dhaxe iyo galgaduud ayaa lagu soo waramaa in gaariga ay halkaasi hakad ku geliyeen ka dibna ay la degeen masuulkii Gaariga iyo ruux la sheegay in uu horay uga tirsanaa ciidamada dowlada soomaaliya.

Labada ruux ee lala degay ayaa gaariga laga reebay waxaana ilaa iyo hada aana la garaneen halka ay ku sugan yihiin oo aan lagu heen nolol iyo geeri.

Tan iyo markii ciidamada dowlada ay dhaq dhaqaaqyada ciidan ay ka bilaabeen sh/dhaxe iyo galgaduud alshabaab ayaa waxa ay wadeen howlo cabsi gelinaya dadka reyedka ah.