WAR DEG DEG:- Diyaarado Duqeymo ka geystay Duleedka Kismaayo

0

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya in Saacadihii la soo dhaafay ay diyaarado dagaal duqeymo ka fuliyeen duleedka Magaaladaasi.

Deegaanka Beerxaani oo qiyaas ahaan 65 km u jira Magaalada Kismaayo ayaa la soo warinayaa in saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay weeraro dhinaca Cirka ahi kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac walow aan la xaqiijin Karin tirada rasmiga ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Beerxaani oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in diyaarado dagaal ay duqeeyeen dhul keymo ah oo ka tirsan deegaankaasi.

Goob Joogahaan ayaa intaas ku daray in deegaanka la duqeeyay ay maamulaan dagaalamayaasha Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

“ diyaaradaha waa na kor mareen, markii dambe Gantaalo ayey billaabeen, waa beerxaani meesha ay la dhaceen oo Al Shabaab ay ku sugan yihiin” ayuu yiri qofkaasi deegaanka ah.

Duqeymaha oo bilowday xalay abaaro 12:00 Am ayaa la sheegay ay soo gaareen illaa 3:00 AM sida uu xaqiijiyay qofka deegaanka ah ee Shabelle qadka Taleefanka ugu warramay.

Sidoo kale Goob Joogaha ayaa intaas ku daray in dad ka soo barakacay duqeymahaas ay soo gaareen tuulooyinka ku dhow dhow Beerxaani.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda duqeymahaasi diyaaradeed ee laga geystay duleedka Magaalada Kisamayo gaar ahaan deegaanka Beerxaani.

Horay ayaa waxaa diyaaradaha dagaalka ee dowladda Kenya waxa ay duqeymo uga geysteen qeybo ka mid ah Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Al Shabaab weli kama hadlin weerarkaas oo la sheegay in Bartilmaameedkiisa iyaga uu ahaa.