WAR DEG DEG:- Galmudug oo sheegtay in wadahadallo hoose ay kula jiraan Ahlusunna Waljamaaca

0

Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Dastuurka mamulka Galmudug Cisman Maxamed Cali oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wadahadal hoose ay u socdaan maamulka Gobollada Dhexe iyo kan Galmudug.

Waxa uu sheegay Wasiirku in dowladda dhexe ay garwadeen ka tahay wadahadalladaasi.

Isagoo sii watay hadalkiisa Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Dastuurka maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa hoosta ka xariiqay in dhawaan Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay gaarayaan Magaalada Dhuusamareeb si ay u sii xoojiyaan wadahadallada labada dhinac.

“ Galmudug waxa ay diyaar u tahay in cid kasta oo wax ka tabaneyso ay la gasho heshiis dib u heshiisiineed” ayuu yiri Wasiir Cismaan Maxamed Cali.

Sidoo kale Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Dastuurka Galmudug ayaa beeniyay in maamulka Galmudug uu ku lug lahaa dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhusamareeb ee u dhexeeyay Ahlusunna Waljamaaca iyo Sarkaal ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu Magacaabo Liibaan Madaxweyne iyo Ciidamo uu horkacayay.

“ sabab aan colaad u hurino iima muuqato iyagaa hadda ku shaqeeya deegaan Galmudug ku magacaaban, mana ku duulno” ayuu yiri Wasiirka.

Waxaana uu carabka ku xoojiyay Wasiirka in Soomaaliya xilligaan aysan u baahneen gacan ka hadal ee wax weliba ay haboon tahay in lagu dhameeyo miiska wadahadalka.

Ahlusunna Waljamaaca oo horay Shabelle uga warramay arrintaan wadahadallada ayaa dafiray in wax maamul la yiraahdo Galmudug uu jiro.