WAR DEG DEG:- Golaha ammaanka oo war ka soo saaray Go’aankii Xasan Sheekh

0

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay go’aanki madaxweynaha ee ku saabsanaa hannaanka doorashada madaxtinimada dalka ee 2016-ka.

War qoraal ah oo ka soo baxay golaha ammaanka ee Q. M. maanta oo talaado ah ayaa lgu taageeray xeerki madaxweynuhu ku ansixiyay in doorashooyinka dalka ay ku qabsoomaan waqtihii loo qorsheeyay.

Golaha ammaanka ayaa si weyn u ammaanay dadaalka madaxweynaha iyo xukuumaddiisu ay ku dammaanad qaadeen howlaha doorashada madaxtinimada dalka.

Sidoo kale goluhu waxeey sheegeen in caqabadda ugu adag ee xilligan hortaalla Soomaaliya ay tahay sidii dorrashada ay ugu qabsoomi leheyd waqtigii loo asteeyay, iyagoo ku boorriyay dhinacyada Soomaalida iney ka wada shaqeeyaan sidii looga baaqsan lahaa dib u dhac ku yimaadda doorashada.

22 bishan ayeey aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu xeer madaxweyne ku meel mariyay hannaanka doorashooyinka dalka.