WAR DEG DEG:- Maamulka Puntland oo war ka soo saaray Xiliga kala guurka ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa shir gudoomiyey kulankii Khamiis la ‘ahaa ee gollaha Xukuumada, iyadoo looga hadlay xaaladdaha kala duwan ee Puntland, siiba dhinacyada Siyaasadda Soomaalida & Amniga gudaha.

Gollaha ayaa isla xaqiiqsadey  in ay Soomaaliya hadda ku jirto marxalad kala guur ah, loogana baahan yahay in ay dhinacyada oo dhan si taxadar leh uga fakaraan Mustaqbalka Siyaasadeed ee dalka.

Puntland waxay cadeysay in ay hadda Soomaaliya ku jirto marxalad adag oo kala guur ah 20-ka bisha Agoostana loo baahan yahay in uu dalka yeesho Baarlamaanka haysta Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.

Puntland waxay ka digtay in haddii aan lahelin waqtigaas baarlamaanka Soomaaliyeed ay halis weyn ku jirto in la sii haysto dawladnimada Yagleelka ah ee maanta lahaysto.

Gollaha ayaa cadeeyey doorka Puntland waxa ayna sheegeen in ay qaadan doonaan kaalintooda kaga aadan arrintaas oo ah xulida xubno baarlamaan oo matalaya Shacabka Puntland, iyadoo si cad loogu qeexay warsaxaafaded ka soo baxay dawladda in aysan dhici doonin in Xildhibaan magaca Ummadda Puntland wataa uu iska fadhiyo Muqdisho oo uusan waxba u qaban.

Puntland waxay sheegtay in dhinacyada Siyaasadda oo dhan looga baahan yahay in ay garowsadaan maalmaha socda iyo sidda loogu baahan yahay in laga faa’iideysto waqtiga la haysto oo aad u yar.