WAR DEG DEG:- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo go’aan ka gaartay dadkii loo heystay Qaraxii Daallo

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta waxa ay soo gaba gabeysay Dacwada loo heysto dad la sheegay in ay ka dambeeyeen Qaraxii Diyaarada Daallo Airline.

Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 22-kii Bishan ufariisatay dacwadda loo heysto dad ku lug lahaa Qaraxii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo, waxaana maanta la sheegay in la soo Afjaray Dhageysiga Dacwadooda.

Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in dib laga soo sheegi doono go’aanka laga gaaray dadka loo heysto in ay ka dambeeyeen Qaraxa Diyaarada Daallo.

2-dii Bisha April ee sanadkan ayay aheyd markii qarax loo adeegsaday Laap Top lagu dhex qarxiyay gudaha Diyaaradda Daallo, waxaana ay sababtay dhimashada Hal ruux iyo Labo dhaawac ah oo ka mid ahaa rakaabka Diyaarada.

Weerarkii lagu qaaday Diyaaradda Daallo Airline 2-dii Bishii Febraayo ee sanadkan ayaa waxaa mas’uuliyadeeda sheegatay ururka Al-Shabaab.