WAR DEG DEG:- Sanduuqa Madow ee Keydsha Xogta Diyaaradaha oo lagu arkay Xeebta Garacad

0

Wararka laga helayo Xeebta Degaanka Garacad oo hoostagta Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaa lagu Arkay Sanduuqa Madow ee Keydsha Xogta Diyaaradaha oo ku soo Caariyay Xeebta Magaalada Garacad.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Dadka Degaanka ay Arkeen Sanduuqa oo Biyaha Badda ay soo tuftay,balse Xeebta yimid.

Dadka Arkay ayaa sheegaya in Midab ahaan uu Sanduuqa u Egyahay Sanduuqa Madow ee Xogta Diyaaradaha Keydsha oo inta badan markii ay Diyaaradu burburto laga helo Tilmaamo muuinaya Shilka Diyaaradda soo gaaray nuuca uu yahay islamarkaana Duuba Cod.

Hayeeshee wali ma jirto Cid Xaqiijin karta Sanduuqa ku soo caariyay Xeebta Magaalada Garacad ee Puntland.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa jooga Maraakiib Dagaal oo sheega in ay la dagaalamayaan Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida,balse waxaa lagu Eedeeyaa in ay Xaalufin u joogaan Dalka.