WAR DEG DEG:- Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo Kacsan iyo Banaanbaxyo ay wadaan Dad iska soo horjeeda

0

Xaaladda Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaan daganeyn, waxayna dadweynaha magaaladaas wadaan banaanbaxyo iska soo horjeeda oo ay ku kala taabacsan yihiin dagaaladii shalay ka dhacay deegaan ka baxsan magaalada.

Ilaa hadda rasaas ayaa laga maqlayaa meelaha qaarkood, waxa ayna maleeshiyaad beeleedyo ku sugan magaaladu ay isku haystaan hub nooc kasta oo uu yahay.

Khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay ayaa dhimashadu gaartay 4 qof oo ah dhinacyada dagaalamay, sidaas oo kale dhaawaca ayaa gaaraya 25 qof.

Saraakiisha Galmudug waxay sheegeen in ay la socdaan dibadbaxyada hadda socda iyo xaaladda Koonfurta Gaalkacyo, aysana u dulqaadan doonin rabshado lagu taageerayo Isbaarooyinka.