Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalo ka dhacay degmada Ceel-Waaq

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Dagaalyahano ka ka tirsan ururka Shabaab ayaa weerar kusoo qaaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo muddo saacado ah socday ayaa la sheegaya in uu sababay khasaare kala duwan inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidanka dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen dagaalyahanadii ka tirsan Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Dadka kunool degmada Ceel-Waaq ayaa warbaahinta u sheegay in maqlaayeen daryanka madaafiicda iyo dhawaqa rasaasta labada dhinac.

Majiro war kasoo baxay Shabaab ee ku aadan weerarada xalay ka dhacay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.