WARARKII UGU DAMBEEYEY:- Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Boosaaso

0

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa caadi ah, waxaana shalay isla markiiba Madaxweyne Gaas magacaabay guddi gaar ah oo soo baari doona dhacdadii uu ku dhaawacmay Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdi Xirsi Qarjab.

Madaxweynuhu wuxuu xalay min labo goor la kulmay Taliyaashii ciidamada Birmadka & Booliska oo ay ka wada hadleen dhacdadii shalay, waxaana lafilayaa in ay dawladdu jawaab deg deg ah ka bixiso.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sidda ayaa loo yeeray si ay kiiskan qeybteeda uga qaadato, waxaana socda baaritaano deg deg ah oo looga gol leeyahay arrintan.

Dhaawaca Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ah mid fudud, waxaana uu si caadi ah u jooga magaalada Boosaaso, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Madaxweynuhu la kulmi doono.

Kooxo arrintan buun-buuniyey ayay dawladdu ku sifeysay in ay yihiin kuwa dano siyaasadeed ka leh arrintan, waxaana hadda dadaal loogu jiraa in Maxkamadda ciidamadu qaado Kiiska la xariira dhacdadan.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayey suuragal tahay in uu talaabo ka qaado Taliyaashii hogaaminayey ciidamaddan, gaar ahaana kuwii rasaasta bilaabay, inkastoo warar hordhac ah ay sheegayaan in uu Madaxweynuhu u safri doono dalka Jamhuuriyada Jabuuti.