WARBIXIN:- Dhibaatada Shacabka Muqdisho ay ku qabaan gaadiidka dagaalka ee waddooyinka mara oo sii kordhaya

0

Waxaa sii kordhaya dhibaatada shacabka ku qabaan isticmaalka waddooyinka Muqdisho, iyadoo ay joogto noqotay in ciidamada hubeysan ee saaran gaadiidka dagaalka iyo kuwa lagu ilaaliyo Mas’uuliyiinta ay rasaas aan loo meel dayin ku furaan dadka rayidka ah ee wata gaadiidka iyo kuwa saaranba, marka ay wadada marayaan.

Ciidamada hubeysan ee saaran gaadiidka dagaalka iyo kuwa kale ee loo yaqaano Qooqan-ta ayaa had iyo jeer marka ay wadada marayaan adeegsada rasaas ay ku argagixiyaan dadka rayidka ah iyo inay qoryo ku cabsi geliyaan gaadiidka ay saaran yihiin dadweynaha.

Gaadiidka ay saaran yihiin raga hubeysan oo aan la arkeynin cidda saaran, si waalan ayey u socdaan, cidda ay u shaqeeyaan iyo waxa ay sidaan cid taqaan ma lahan, waana tan keentay in qof kasta uu ka baqo, markuu arko gaadiid hubeysan oo gadaashiis ka yimaada, isla markaana sidii ay doonaan wadada u mara, iyagoo tixgelineynin socodka wadada, badidoodana ma lahan wax taarigo ah.

Dadka qaar ayaa aaminsan in gaadiid qarax wado la dhigay ay ka cabsi badan tahay, gaadiidka ay saaran yihiin ciidamada hubeysan aan la garaneyn ee waddooyinka mara, kuwaasoo ay u fududahay mar walba inuu rasaas kugu rido, dabadeedna uu socodkiisa iska sii wato.

Habeenkii Khamiistii ayay aheyd markii Ciidamo hubeysan oo saarnaa gaadiid dagaal ay rasaas ku fureen darawal waday Mootada loo yaqaano Bajaajta, markii uu loo dilay wadada ii baneey.

Wiilka la dilay ee waday bajaajta ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Xuseen, waxaana qoyskiisa uu nolol maalmeedkooda uga raadsan jiray mooto bajaajta, waxaana caruurtiisa la dhigay agoon, maantana ma heystaan cid u maqan oo nolol maalmeedka u soo dhicisa, maadaama aabihii u soo shaqeyn lahaa laga dilay.

Dadka reer Muqdisho ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay hadal hayay dhacdadan, waxaana qoraalo tiiraanyeysan oo looga fal celinayay dhibaatadan ay dad badan soo dhigeen baraha bulshada sida Facebook, waxaana lagu dhaliilayay Laamaha ammaanka in aanay soo qaban gacan ku dhiglihii dilay wiilka dhalinyarada ahaa ee qoyskiisa ka biilayay Mooto Bajaajta.

Arrinta ugu yaabka badan oo ay dad badan la amakaageen ayaa ah in halka lagu dilay wiilka dhalinyarada oo aheyd Wadada Shaqaalaha ay bar koontarool ku lahaayeen Ciidamo Boolis ah, mana jirin wax tallaab ah oo ay qaadeen ama ay ku soo qabteen raggii ka dambeeyay falkaas waxuushnimada ah.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dhaliilsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegaya in tallaabadan uu geystay askariga ilaalinaya qof mas’uul ah ee sida gardarada ah u dilay wiilka dhalinyarada ee ku shaqeysanayay Mooto bajaajta ay shacabka iyo dowladda ka dhex abuureyso kalsooni dari, isla markaana hamigii dadka u qabeen dowladnimada ay meesha ka baxeyso.

Horaantii todobaadkii hore ayay aheyd markii Ilaalada Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ay rasaas ku fureen gaadiid ay la socdeen Wariyeyaal oo xilli habeen ah marayay agagaarka Tiyaatarka, mana jirin cid u qiil sameysay sababta rasaasta loogu furay gaadiidka oo aan ka aheyn Wadada ii Baneey aan xoog ku maree.

Dhibaatooyinka isugu jira handadaada, qori ku taaga, argagax gelinta ayaa maalmihii u dambeeyay soo kordhayay, waxaana arkeysa marka gaadiidka dadweynaha uu wadada si caadi ah u marayo in gaadiid dagaal oo xowli ku socda inuu gadaashiis ka yimaado, dabadeedna qoryo ku taaga, gaadiidkii sida nabad wadada u marayay.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dowladda iyo laamaheeda amniga oo ku aadan dhibaatooyinkan soo kordhaya ee lagala kulmayo waddooyinka.

Waddooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada hormarta Avisione iyo dekeda iyo wadada ka soo baxda madaxtooyada ayaa inta badan la xiraa xilliyada ay madaxda sarsare dalka ka dhoofayaan ama soo degayaan taasoo noqotay in toddobaad walba ugu yaraan afar jeer la xiro waddooyinkan oo gaadiidkii mari lahaa loo diido muddo saacado ah.