DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo si toos uga wada hadlaya Midnimadooda

0

Sida horey u dhacday,Dowladda Turkiga ayaa iyadoo adeegsanaysa diplomasiyiinteeda waxa ay miiska dhex dhexaadnimada iskugu keenaysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland,wada hadalada labada dhinac ayaa go’ayaa hakad galay.

Barta Al-jazeera Turkey ayaa lagu daabacay in Turkiga dhinacyadaasi uu u yeeray si aan toos ahayn 18-kii April,Kani Toron oo xubin ka ah gudiga arimaha dibada Barlamaanka Turkiga oo lasoo xiganayo waxa uu cadeeyay inay la kulmeen Dowladda Somaliya iyo maamulka Somaliland ayna ogolaaden inay wada kulmaan,shirka ayaa waxa uu dhici doona 31-bishaan May oo ka qabsoomaya magaalada Ankara waxana uu qaadan shirkaasi magaca dib u miboodiba Soomalida iyadoo ay xaadirayaan madaxda Turkiga iyo kuwa kale oo caalami ah.

Turkiga markuu arkay inay joogsaden wada hadalada Dowladda Somaliya iyo maamulka Somaliland waxa ay go’aansatay in labada dhinac dib ugu soo celiso miiska wada hadalka si ay guul uga gaaran dhibatadii 1991-ki,si hadaba arimahasi u hirgalaan dowladda Turkiga ayaa waxa ay Kani Toron u soo dirtay Somalia kadib markii xukuumada Somaliya ay Turkiga ka dalbatay in ay la socoto doorashada iyo arimaha dhex dhexaadnimada.

Labada dhinac ayaa ogolaaday in ay ku kulmaan magaalada Ankara.wasaaradda arimaha dibada Turkiga ayaa diyaar gareenaysa qabsoomida kulankaasi,balse wax lug ah kuma yeelan wada tashiyada dhinacyadaasi si ay u awoodaan in fursada weyn uga faaideystaan inay uga hadlaan qorshayaasha mustaqbalka.

Toran oo wareysi siiyay Kanal Al Jazeera ayaa shaaca ka qaaday arinta quseysa shirka 31-May ay madaxda Dowladda Somaliya iyo Somaliland ku goaamin doonan qariidada ogolaashiyada Mustaqbalka si madax banan,waxana Turkiga doorkiisa noqon doona la talin si loogu gogol xaaro wado ku aadan in si toos ah Soomalidu u midoobaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-