WARKII U DAMBEEYEY: Maxaa ka socda Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho?

0

Wararkii ugu dambeeyey ee caawa naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in aysan wali waxba horumar ah gaarin wada hadalada u dhaxeeya Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran, iyadoo ilaa hadda lays-ku mari la’ayahay wada hadalada socda, waxaana wakiilada caalamiga ah oo ilaa saaka howshan ku jiray ay waxba horumar ah gaari waayeen.

Wararka ayaa sheegaya in Puntland & Jubbaland ay mar kale kusoo laabteen go’aankii ahaa in aan waxba laga bedeleyn heshiisyadii horey loo galey, ka dib markii mid kamid ah Hoggaamiyaasha Dawlad gobaleedyada dalku uu saaka sheegay in aysan dhisi doonin aqal Sare-ba.

Goobjoogayaal ka qeybgalaya shirka ayaa u sheegay Saxaafada in waqti dheeraad ah ay dalbadeen Hoggaamiyaasha Soomaalidu, ayna tan iyo berri subax galinka hore soo saari doonaan Warsaxaafadeed aan waxba dhaamin kuwii horey u soo bixi jirey, iyadoo la og yahay in uusan wali jirin is faham buuxa.

In Aqalka sare xubno laga siiyo gobalka Banaadir ayaa ah caqabada ilaa hadda taagan, waxaana arrintan dooda ugu badan laga keenay shalay, iyadoo horey ay Dawlad gobaleedyada qaarkood & Madaxweynaha DFS u diideen in gobalka Banaadir qeybta lagu daro.

In heshiisyadii dib loogu laabto waxay qaadan doontaa waqti dheeraad ah, suuragalna in aysan noqoneyn hadda ayay iska cadahay, waxaana ay xaaladdu u muuqataa in aan waxba horumar ah la gaari doonin.

Si kasta ha ahaatee ilaa hadda rajada la qabo ayaa ah in haddii aan la gaarin caawa go’aan Soomaaliyeed, ay dhici doonto in berri galinka dhexe ay wakiilada caalamiga ah soo jeedin doonaan Qariirad cad oo ay raaci doonaan oo kaliya Hoggaamiyaasha Soomaalida.