WARKII U DAMBEEYEY: Maxaa Looga hadlay Kulamo xasaasi ah oo xalay ka dhacay Villa Soomaaliya?

0

Wada hadalo adag oo siyaasadeed ayaa xalay dhexmaray Wakiilada Beesha Caalamka ee kusugan magaalada Muqdisho & Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaalida, waxaana xooga lagu saarayey sidii dhinac layskugu raaci lahaa, go’aana looga soo saari lahaa shirarka maalmahan socday.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland & Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka waxay diideen soo jeedinta ah in wax ka bedel lagu sameeyo hanaankii horey loogu heshiiyey, waxa ayna sheegeen in ay lama huraan tahay in laga faa’iideysto mudada yar ee la haysto.

Xogo hoose oo soo gaarey Allgalgaduud Media waxay qirayaan in ay Beesha Caalamku dooneyso in ay saameyn ku yeelato arimaha Siyaasadda, isla markaasna in xubno dheraad ah la siiyo maqaamka caasumadda Soomaaliya, taas oo si weyn lays kugu mari la’ayahay.

Cadaadisyo badan ayaa la saarayaa Madaxda dawladd gobaleedyada iyo RW Sharmaake, kaas oo ku saleysan in ay meelmar ka dhigaan In Aqalka sare lagu xubno ka socda maamulka gobalka Banaadir.

Qaar kamid ah ka qeybgalayaasha shirarkii xalay ayaa sheegay in ay Beesha Caalamku xooga saarayaan in ay waxuun dhaqdhaqaaqaan, doorashaduna ay qabsoonto waqtigii loo jideeyey, iyadoo laga gudbayo caqabadaha taagan, kuwaas oo halis kara heshiisyada la gaaro marar badan.

Haddii la aqbalo xubno dheeraad ah oo lagu daro aqalka sarre, haddana waxay diideen Madaxweynaha dawladda Faderaalka & Saaxiibadiisa Siyaasadeed in Habka 4.5 lagu qeybsado oo ay xubno ku yeeshaan beelaha aan hubeysaneyn ee degan magaalada Muqdisho.

Jubbaland & Puntland waxay shaley si cad u diideen in ay qeyb ka noqdaan heshiiskii oo wax laga bedelo, waxa ayna taasi bedelkeeda ogolaadeen in heshiiska sidii horey loo hirgaliyo, lana dhawro faragalimaha Siyaasadeed.