Wasiir Maareeye: ” 25 Sano ayey barayeen Iskuulada Manhaj Jahwareer ah oo ay shaqo ku waayeen Ardayda Soomaaliyeed”

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa  macno beel ka dhigay wax qabadkii Dalladaha Waxbarashada Soomaliyeed mudadii 25 –ka sano ee bur burka ay ugu dhabar adeegeen in  Jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya ay aysan gabin waxbarashada.

Mr Maareeye ayaa sheegay in laga gudbay dhibaato uu sheegay in ay daashatay Waxbarashada Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in Ardayda Soomaaliyeed ee mudadii bur burka ka qalin jabiyay Waxbashada Iskuulada dalka ay heli waayeen shaqooyin sababo la xiriira in la bari jiray Manaahij kala duwan oo Caalamka ay jahwareer ka qaadeen.

Hadaba hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli Dalladaha Waxbarashada ee dalka ay waddanka oo nidam aanu ka jirin  dalka ka hir geliyeen qeybaha kala duwan ee Waxbatashada sida Dugsiyada heerarkooda kala duwan iyo Weliba Jaamacado Taqasusuyada caalamka oo dhan laga barto ay u dhameystiran yihiin.

Waxaana hadalkiisa u muuqda mid looga abaal dhacay Bahda Waxbarashada oo lagu sheego kuwa kaliya ee ka noolaa hay’adihii dowladeed ee meesha ka baxay tan iyo bur burkii dowladdii dhexe.

Dalladahaas ayaa soo saaray dad aad u fara badan oo qaarkood xilal hadda ka haya dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa kalana ay iyagu hormuud u ahaayeen dalladahaasi.