Wasiir Nuux “ Waxaan diyaarinay qorshooyin lagu hormarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed”..

0

Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Xasan ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay shaqo la’aanta heysata dhallinyarada iyo qaabka ugu haboon ee loogu sameyn karo shaqo abuuris iyo muataqbal wanaagsan oo ifaya

Waxa uu xusay in dhallinyaradu ay yihiin laaf-dhabarka bulshada,sidaa daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo baahiyaha kala duwan ee la xiriira horumarkooda,isagoo intaa ku daray in dowladda Soomaliyaay ku dhiiraneyso wanaajinta kaalintooda.

Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Xasan waxa uu caddeeyay in doorka Wasaradda uu yahay sidii dhallinyarada looga dhisi lahaa xagga mooralka,isla markaana loogu heli lahaa garoomo ay ku soo bandhigaan waxqabadkooda,wuxuuna uga digay dhibaatooyinka ka dhalan kara Tahriibya.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=eNmYugzyEAc