Wasiirada Maaliyada ee Wadamada Lacagta oo shaaciyay Kaalmo uu siinayo Gariiga

0

Wasiirada maaliyada ee wadamada lacagta Euro-ga isticmaala ayaa ku heshiiyey in Giriiga la taageero.

Wasiiradan ayaa isku raacay in dowlada Giriiga la siiyo lacag gaaraysa 11.5 bilyan oo dollar.

Shir ay xalay wasiirada ku gabagabeeyeen dalka Biljimka ayay isku raaceen daymo labo sano ah la siiyo Giriiga.

Dowladda Giriiga ayaa mudaba dalbanaysay kaalmadan hada lagu dhawaaqay.

19-ka wasiirka ee ayaa sheegay iny heshiiskan la isku raacay ka dib markii uu Giriiga sameeyey isbadal dhaqaale.

Sidoo kale hay’ada lacagta dunida ee IMF ayaa taageertay kaalmadan Giriiga loo fidinayo.

Maalintii Axada ahayd ee la soo dhaafay ayaa baarlamaanka Giriiga waxa uu meelmariyay qorshe cusub.