Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia oo isku soo sharaxay Xil ka Banaan Hay’ada WHO

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia horeyna u soo noqday wasiirkii caafimaadka Tedros Adhanom ayaa noqday hoggamiyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah iyo murashaxa kaliya ee u taagan jagada agaasimaha guud ee Hey’adda Caafimaadka Adduunka WHO oo lagu magacaabi doono shirka hey’adda ee sanadka soo socda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO, waxaa ay QM aasaastey sanadkii 1945-kii oo haatan laga joogo 70 sanadood. Balse WHO waligeed mayeelan hoggaamiye kasoo jeeda qaaradda Afrika, waxaana hadda isu soo taagey jagadaas Tedros Adhanom.

Tedros ma dhaliilsano wax-gqabadkii hogaamiyeyaashii ka horreeyey, hasa-ahaatee wuxuu sheegay in arrimaha caafimaadka adduunka lagu eegayey fikirka waddamada horumarey oo aan sidaas u ballaarneyn.

“Sida aad ogtahay Afrika iyo dalal badan oo dunida soo koreysa kamid ah ayaa culeyska ugu badan uu ku dhacaa; walina nalama siin fursad ah in xaaladda caafimaadka adduunka lagu arko indhaha Afrika iyo dunidan soo koreysa ee iyagu og waxa u asalka ah caafimaad-darrada ay la kulmaan,” ayuu yiri Tedros.

Tedrose Adhanom ayaa gaanshaanka u daruurey aragtida ah inuu magacaabistan ku doonayo maadama uu u arko inay tahay kaltankii uu ruux Afrikaan ah jagada u qaban lahaa hey’adan QM u qaabilsan cafimaadka.

Waxaase uu intaas ku daray in afrikaanimadiisu ay faa’iido u tahay howsha WHO laga doonayo.

Tedros waxa uu leeyahay khibrad aad u sarreysa. Waa Cilmi-baare sare oo dhanka mallaariyada, caalamkana laga aqoonsan yahay, kahorna intii aan loo magacaabin wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya sanadkii 2012-kii, waxa uu ahaa wasiirka caafimaadka ee dalkaas oo loo magacaabay 2005.