Waxgaradka Gobolka Sh/Hoose oo beeniyay ka qey galka Shir Saraakiisha AMISOM ay ku qabteen Magaalada Marka

0

Nabadoon Maxamed C/kariin Cali oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Sh.Hoose ayaa waxuu beeniyay ka qeyb qaadashada kulan nabadeed oo la sheegay in Saraakiisha AMISOM ay dhex dhigeen Beelo indhawaanahanba ku Dagalamayay Gobolka Sh.Hoose.

Nabadoonka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan ka qeyb qaadan kulankaasi waxuuna tilmaamay in Saraakiisha AMISOM aysan ugu yeerin in ay qeyb ka noqdaan wada hadaladaasi Nabadeed.

Axmed Maxamuud Axmed oo ka mid ah Dadka ku dhaqan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose ayaa waxuu sheegay in Suuqa Magaaladaasi uu dib u furmay kadib markii dhaq dhaqaqii Suuqaasi uu u hakaday Dagaal beeleedyo ka dhacay Magaalada Marka.

Saraakiisha Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in wada hadal nabadeed ay dhex dhigeen Odayaal matalayay labo Beel oo ku Dagaalamay qeybo ka mid ah Gobolka Sh.Hoose balse Waxgaradka Gobolkaasi ka soo jeeda ayaa gaashaanka u daruuray hadalkii ka soo yeeray AMISOM.