Xaalada Caafimaad ee Hodan Axmed Barre oo laga Deyrinayo

0

Waxaa weli adag xaaladda nololeyd ee Hodan Axmed Barre, oo ah gabar Somaliyeed oo 21 jir ah, taasoo Isniintii isku gubtay xero qaxooti oo ku taala Jazeerada Nauru.

Waaxda Caafimaadka Australia, ayaa maalintii Talaadada si deg deg ihi kaga soo qaaday gabadhaasi Somaliyeed Jazeerada Nauru, waxayna soo gaarsiiyay Magaalada Brisbane, iyadoona lagu dabiibaayo Isbitaalka Royal.

Tan iyo Isniintii, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay xaalad miir dabool ihi ku jirto gabadhaasi Somaliyeed, oo iyadu is gubtay, markii ay Dowladda Australia diiday inay magangelyo siiso.

Mid ka mid ah hablaha Somaliyeed ee ku nool Magaalada Brisbane, ayaa Isbitaalka Royal ku booqatay Hodan Axmed, waxayna sheegtay in xaaladda gabadhaasi ay tahay mid aad u liidato, isla-markaana aan laga warami karin.

Gabadhan, ayaa sheegtay in jirka Hodan oo dhami lagu duubay faashad, isla-markaana ay dhakhaatiirtu daawooyin xoog lihi kula tacaalayaan xaaladadeeda caafimaadeed.

Hay’adaha xuquuqul insaanka, ayaa waxay Dowladda Australia ku eedeeyeen inay iska indho tireyso waxa qaxootiga ku khasbaaya inay nolosha isku gubaan.

Toddobaadkii hore, ayaa waxaa dhacday in Jazeerada Nauru uu isku gubo 23 jir u dhashay dalka Iran, kaasoo Arbacadii hore u geeriyooday dabkaasi, markii caafimaad ahaan loogu soo qaaday Magaalada Brisbane.

Peter Dutton, Wasiirka Laanta Socdaalka Australia, ayaa si adag u sheegay inaysan Australia waxba ka bedeli doonin yoolkeeda ku aadan qaxootiga sida sharci darrada ah ku imaanaaya dalkaasi.