XASAASI:- Maamulka Ahlu­suna oo ka Hadlay Shuruud ay Hor Dhigeen Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ka Baaqday Dhuusomareeb

0

Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa beeniyay in shuruudo adag ay ku xireen wadahadallada ay la galayaan maamulka kale ee Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca Prof Cabdullaahi Xirsi ( Daacad ) ayaa hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax shuruudo ah oo ay ku xireen maamulka Galmudug wadahadallada ay la galayaan oo dowladda Ethiopia ay garwadeenka ka tahay.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Ethiopia ayaa dhex dhexaadinaya wadahadalladaasi u dhexeeya Ahlusunna Waljamaaca iyo Galmudug.

Muddooyinkii dambe ayaa dadaaladaasi laga dareemayay deegaanno ka tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud ee la xiriira wadahadallada.