DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ugu qeyb galay Xuska Maalinta Shaqaalaha Aduunka

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta waxa uu ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal degayay maalinta shaqaalaha aduunka oo maanta ku beegan.

Waxaa sidoo kale munaasbada qeyb ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Ururada haweenka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Intii munaasbada ay socotey ayaa waxaa lagu soo bandhigay howlaha ay qabtaan shaqaalaha Soomaaliyeed taas oo lagu muujinayay in door muhiim ah ay ka qaataan hormarka dhinaca dhaqaalaha.

Madaxweynaha oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan ugu jirto sidii loo hormarin lahaa shaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa ku dhawaaqday in ay fasax yihiin 2 maalmood shaqaalaha Soomaaliyeed, si loo xuso maalinta shaqaalaha aduunka oo ku beegan 01-05-16.

Maanta ayaa waxa ay ku beegan maalinta shaqaalaha aduunka waxaana lag xusay aduunka.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha:-