XOG:- Al-shabaab oo Qorsheynaya in ay Weeraraan Xarumo Muhiim ah oo ku yaalla Soomaaliya

0

Warkaan ayaa laga helay ilo dhinaca amaanka ah kaa oo sheegaya in Xarakada Al-shabab ay qorsheenayaan weeraro lagu qaado dadka iyo danaha reer galbeedka ee kusugan Soomaliya.

Ilaha xog ogaalka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Al-shabab weerarada ay qaadanayaan ay ku doonayn inay kaga aargutaan howlgalo horey loogu fuliyay laguna bartilmaamaysaday saraakiil Al-shabab ka tirsan oo kamid yahay Xasan Cabdi Dhoore oo bishi April lagu dilay duqeyn ka dhacday agagaarka magaalada Kabsuuma.

Saraakiisha Soomalida aya ain mudo ah ku doodayay in weerarada gaar ka ah ay dhabar jab ay ku tahay Al-shabab.

Waxa kale oo wararka ay sheegayan in Al-shabab ay dib u dhacyo ay kala kulmeen howlgaloi qaas ahaa oo dhawaanahan ay qadanayeen ciidamada Soomalida iyo kuwa AMISOM oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka,meelaha laga yaabo in ay weeraran Al-shabab ayaa la sheegaya inay kamid yihiin garoomada,gadiid hawada,Hoteelada iyo waliba diplomasiyinta soo booqanaya Soomaaliya,ilaha waxa ay sheegayan in bartilmaamedka ugu weyn al shabab uu yahay dowladda Soomaaliya iyo AMISOM laakin sanadkaan ayaa waxa ay qorsheenayan Al-shabab in si gaar ah u weraran danaha reer galbeedka ee Soomaaliya.

Wasaaradda arimaha dibada Mareykanka ayaa sheegtay inay uga digeyso muwadiniinteeda inay booqdaan Soomaliya,waxa saran hanjabaad gaar ah ay saran tahay ajaanibta iyo ee meelaha ay dadka badansida gara ah iskugu yimaadan sida garoomada,dhimsmayasha dowladda iyo meelaha laga dukamaysto.

Waxaa isku dhow digniinta Mareykanka iyo dowladda Somaliya oo adkeenaysa amaanka kadib markii amaanka Muqdisho lagu wareejiyay mamulka gobolka Banadir.

Dhinaca kale saraakisha Soomalida waxa ay wal wal ka qaban in ay Al-shabab ay kordhiso weerarada ay qadayaan Al-shabab bisha Ramadan oo haatan ay ka dhiman tahay 10maalmood.

Al-shabab .mar waliba iyagu kordhiya werarada ay geestaan bisha Ramadan

soomaliya oo marxalad cyusub galaysa waxa ay dowladda iyo AMISOM balan qaadeen inay heegan balaaran galayaan si loo xaqiijiyo amaanka meelaha ay doorashdu ka dhacayaan