XOG CUSUB:- Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi

0

Waxaa hadda banaanka u soo baxay khilaaf mudda soo jiitamaayay oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Galmudug iyo xildhibanada barlamaanka Maamulka Galmudug kuwaasi oo isku khilaafsan qaabka xilligaani ay u shaqeeyaan golaha Wasiirada iyo arimaha soo xulista baarlamaanka soomaaliya ee sanadkaani gudihiisa ay soo xulayaan madaxda Maamul goboleedyada ka jira Dalka.

Xildhibanada Galmudug ayaa ku eedeyay Madaxweynaha Galmudug in uu ka gaabiyay howlihii loo igmaday waxaana dhinac kale ay ku edeeyeen in uu ku fashilmay wada hadaladii u dhaxeyay Galmudug iyo Maamulka Ahluna Waljmeeca kuwasi oo hadda ku sugan magalada dhuusa Mareeb.

Waxay sheegeen in ay hadda diyaarinayaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha maadama uu xusay in ku fashilmay hogaanka Galmudug.

Sidoo kale xildhibanada ayaa dhinac kale ka soo horjeestay in madaxweynaha galmudug uu soo xulo golaha baarlamaanka soomaliye oo hadda ay soo xulayan madaxda maamulada dalka .