XOG:- Ethiopia oo la ogaaday in Siyaasadda dalka si toos ah iyo si dadban ay ugu lug leedahay

0

Waxa indhaawaanahan isi soo tarayay dhibaatooyin qaarkood xad gudub ku ah muwaadinka dhulkiisa Hooyo ku nool ee ay ku kacayeen Ciidamada Ethiopia oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

Xad gudubyada ay Ethiopian-ka ka geysanayaan dalka ayaa waxaa qaar ka mid ah ay saameyn ku yeesheen masuuliyiin xasaanad leh oo dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada hoostaga intaba.

Ciidamada Ethiopia ayaa 12-kii bisha May ee sanadkaan xarig , jir dil iyo handadaad kula kacay Guddoomiyaha maamulka degmada Garbahaareey Nuur Sheekh Maxamed weliba isagoo ku sugan degmada uu maamul sida uu guddoomiyaha qudhiisa uga warbixiyay Idaacadda Shabelle.

Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa muddo ka badan 7aad si sharci darro ah waxaa ugu xiran Taliyaha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud Maxamed Kaariye Caraale ( Dhega Dheere).

Warar ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in xittaa Ethiopian-ka heysta Col Maxamed kaariye Caraale ay ku gacan seereen Saraakisha sar sare ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed in ay ku soo wareejiyaan Sarkaalkaasi.

Dhinaca kale dhawaanahaan ayaa waxaa soo ifbaxay war si weyn u gil gilay guud ahaan dalka kadib markii duqii hore ee Magaalada Gaalkacyo Saciid Cabdi Faarax uu xaqiijiyay in gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Garoowe uu xoog uga heysto Sarkaal Ethiopian ah weliba si cad uu uga biyo diiday in uu  uga guuro.

Waxaan Marag ma doonta in Ethiopia ay noqotay garwadeenka kaliya ee Khilaafaadka Soomaalida dhex dhexaadiya.

Waxaa uga dambeeyo wadahadallo iyo dib u heshisiin loo sameynayo maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca ay u sameyneyso hadda sida uu qitay Wasiirka Dib u heshisiinta iyo Dastuurka Galmudug Cismaan Maxamed Cali.

Ethiopia ayaa ah dalka kaliya ee Safaaraddiisa ay ku taallo gudaha Madaxtooyada dalka ee Villa Soomaaliya.

Saraakiil Ethiopian ah oo uu ugu horeeyo Jeneeraal Gabre ayaa si shaac ah  loogu dhex arkaa shirarka iyo arrimaha Xasaasiga ah ee Masiirka iyo arrimaha Soomaaliya.

Ciidamada Ethiopia ee hadda qeybta ah Howlgalka AMISOM ayaa inta aan lagu biirin howlgalka Amar la’aan soo galay dalka.

Dhawaan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ethiopia waxa ay la soo saxiixatay Heshiis ay hub ku siineyso kaas oo aysan ka warqabin Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Dhexe.

Taas oo dad badan ay u qaateen in ay isugu dab dhiibeyso maamullada walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee Puntland ay mararka qaar is qoomaan sida Khaatumo iyo Galmudug.

Culumaa’udiin ka soo jeeda maamullada Puntland iyo Soomaaliland ayaa iyaguna dhawaan walaac waxa ay ka muujiyeen Muwaadiniin Ethiopian ah oo tiro ahaan ku sii kordhaya deegaanada maamulladaas.