XOG IYO SIR:- Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS oo dhaqaale siiya Al-shabaab + Sababta?

0

Sida ay kusoo waramayaan ilo wareedyo ka tirsan Wasaarada amniga DFS, ayaa sheegaya in qaar kamid ah xubnaha labada Gole ee Dowlada Federaalka ay dhaqaale bile ah siiyaan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in xogtaani ay la wadaagen xubno ku howlan dabagalka arrintaasi kuwaasi oo iminka helay tirro mas’uuliyiin ah oo dhaqaale ay amaankooda ku badbaadsanayaan siiya Al-shabaab.

Mas’uuliyiintaasi oo qaarkood aan heysan ilaalo ku filan, ayaa xal u arka inay laaluushaan maleeshiyada Al-shabaab si aysan ugu bixin dabinada ay Kooxdu u dhigeyso madaxda iyo shaqaalaha Dowlada.

Xogtu waxa ay intaa raacineysaa in dhaqaalahaasi ay mas’uuliyiinta DF, Al-shabaab u mariyaan xubno maleeshiyada u xilsaaran uruurinta dhaqaalaha iyaga oo dib ugu wareejinaaya Horjoogayaashooda.

Sidoo kale, xogta ayaa sheegeysa inay jiraan xubno inta badan laga wada garanaayo Xarumaha Dowlada oo iyaga horay uga soo goostay Al-shabaab kuwaasi oo dhaqaalaha ka uruuriya madaxda kadibna ku wareejiya Kooxda.

Geesta kale, waxaa jira mas’uuliyiin caan ah oo iminka xilal ka haya Dowlada oo arrintaasi lagu helay balse wali ay ku socto baaritaan.