XOG IYO XEELAD CUSUB:- Waji cusub oo loo adeegsaday Weerar ku wajahan Ururka Al Shabaab

0

Guddoomiyeyaal hoostaga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday howlgallo ka dhan ah Dagaal yahano ka mid ah Xarakada Al Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Sh.Dhexe.

Howlagalladan ayaa waxaa hogaaminaya sida la sheegayo Guddoomiyhii hore ee Degmada Wadajir, Axmd Xasan Cadow (Axmed Daaci) waxaana uu ka dambeeyay kadib markii ku dhawaad 30 Askari oo uu ku jiro Sarkaal ka tirsanaa DFS lagu Dilay Weear ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in howlgalladaan ay qeyb ka yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Wadajir, Kaaraan iyo Dharkeenleey iyo sidoo kale Saraakiil ka tirsan militariga Dowladda Soomaliya.

Magacyada Xubnaha ku jira howlgalladan ku wajahan Al Shabaab

Gudoomiyaha Degmada Dharkeenleey, Cumar Mayre Macoow

Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, Cabdifitaax Yaanyo

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci)

Xildhiban Cumar Finish oo ka  mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Dhicisoow iyo Geeseey Cali Indhoole oo ka mid ah Saraakiisha Militariga Dowladda Soomaaliya.

Ilaha la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sidoo kale sheegaya in Gaadiid Dagaal uu leeyahay Guddoomiyhii hore ee Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) in ay qeyb ka yihiin howlgallada ku wajahan Xarakada Al Shabaab.

Xubnaha aan magacydooda kor ku soo xusnay ayaa la sheegayaa in ay isku heyb yihiin ku dhawaad 30 Askari oo lagu Dilay Weerar qorsheysan oo Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyeen Degaanka Ruunir-Good ee Gobolka Sh.Dhexe.

Sidoo kale Mas’uuliyiintaan isugu jira Guddoomiyeyaal Degmo, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaantoodba ka soo jeeda Gobolka Sh.Dhexe.

Howlgalladaan ayaa u muuqda waji cusub oo lagula Dagaalamayo Xubnaha ka tirsan Xarakada Al Shabaab ee ku sugan Degaano iyo Degamooyin ka mid ah Gobolka Sh.Dhexe ee Dalka Soomaaliya.