XOG:- Maxaa ka cusub isku shaandheynta Madaxweyne Gaas uu sameyn rabo Golaha wasiirada ?

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa qorsheyanayey maalmihii ugu dambeeyey isku shaandheyn lagu sameyn doono xubnaha gollaha Xukuumadda ee dawladda Puntland, iyadoo aad looga hadal hayo arrintan caasumada Puntland ee Garoowe.

Warar cusub oo soo baxay tan iyo xalay ayaa sheegaya in wasiiro badan ay saameysey isku shaandheynta Xukuumada cusub oo aan wali la shaacin, waxaana wararku xaqiijinayaan in uu Madaxweyne Gaas isku bedel ku sameeyey Wasiiro badan.

Ilo ku dhaw dhaw Madaxweynaha ayaa sheegay in si kor loogu qaado shaqada dawladda loo hayo, loona dar-dargaliyo shaqada dawladda ay waajib noqotay in wasiiro badan laysku bedelo, taas oo ah mid ay aad u sugayaan shacabka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa Latashiyo la yeelanaya Madaxweyne kuxigeenka Eng Camey, maadaama ay sidaasi tahay sida sharciga ah, waxaana gollahan cusub aad loo saadaalinayaa in ay xubno ka noqdaan shaqsiyaad si weyn looga yaqaano gudaha Puntland.

Ilaa hadda ma jirto cid xaqiijin karta wasiirada laysku bedelay iyo wasiirada Shaqadooda waayey, sidaas oo kalena waxay tani noqon doonta Isku shaandheyntii ugu balaarneyd ee lagu sameeyo Wasaaraddaha dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas tan iyo markii uu la wareegay Hogaanka dawladda Puntland, wuxuu dadweynaha u balan qaaday in meel banaan lagula xisaabtami doono Wasaaraddaha dawladdaha, iyadoo la og yahay in bilowgii sannadkan Wasiirada su’aalo la weydiiyey ayna soo bandhigeen waxqabadkooda, iyadoo markaas la dareensanaa in uu Madaxweynuhu sameyn doono isku shaandheyntan balse arrimaha Siyaasadeed ee Soomaaliya aad loogu mashquuley, maadaama lagu jiray xili xasaasi ah.

Si weyn ayay dadka Puntland u dhawrayaan Isbedel lagu sameeyo gollaha Xukuumada, maadaama hadda waqtiga dawladdu uu yahay mid hadda ku dhaw kala barka mudada xil-heynta Madaxweynaha & Golayaasha dawladda, waxaana la qabtay wax badan, iyadoo sidaas oo kalena ay dhiman yihiin arrimo muhiim ah.