XOG+XASAASI:- Shirka Madasha wadatashiga qaran oo la isku mari la’ yahay in dib loogu laabto qaybsiga aqalka sare si Muqdisho xubno u hesho.

0

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya ee maalintii seddexaad uu maanta ka socdo shirka Madasha wadatashiga qaran ee hogaamiyeyaasha Soomaalida oo looga hadlayo hannaanka doorashooyinka bilaha Agoosto iyo September loo ballansan yahay inay dalka Soomaaliya ka qabsoomaan ee baarlamaanka iyo madaxtooyada, ayaa sheegaya in la isku mari qaabka Muqdisho ay ku heli karto dad u matala aqalka sare maadaama horay loo qaybsaday aanan qoondada lagu darin.

Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud iyo qaar ka mid ah madaxweyneyaasha Maamul goboleedyada ayaa soo jeediyey in dib loogu noqdo qaabkii loo qaybsaday xubnaha aqalka sare ee 54 ah, islamarkaasina loo qaybsaday dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Balse arrintaas waxaa ka horyimid dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, waloow wali si aad ah arrinta loo rog rogayo balse aan wax horumar ah laga samayn, ayaa lagu wadaa in galinka dambe ee maanta lasoo afmeero shirka oo war-murtiyeed laga soo saaro.

Sida aan wararka ku helayno Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyey in qaabkii loo qaybsaday aqalka sare dib loogu noqdo, islamarkaasina maamul walba xubno laga soo jaro si gobolka banaadir uu u helo dad aqalka sare ku metela.

Si kastaba ha ahaatee shirka oo ka socda Villa Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay aad u xoogaysatay, waxaana jiray kulamo xiriir ah oo dhinacyadu shirku ay si guud iyo si gaar gaar ahba u yeesheen.