XOG+XIISAD:- Shirkii Madasha Wada-tashiga oo Berri u dhacay iyo Masiirka Muqdisho oo la isku mari la’yahay

0

Warar ay heshay Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya in Shirkii Madasha Wada-tashiga ee Mudada saddexda beri ah uga socday Magaalada Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada uu dib u dhac ku yimid in la soo gaba gabeeyo.

Shirka ayaa la sheegay inuu ilaa Beri u dhacay,iyadoo weli muran badan uu ka taagan yahay Masiirka Magaalada Muqdisho oo ah in Dadka ku nool Gobolka Banaadir ay Aqalka Sare ku yeeshaan Xubno matala.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka ay ku raaceen Hogaamiyaasha Diidan in Shacabka ku nool Muqdisho ay Aqalka sare ku yeeshaan Xubno Matala,kuwaas oo ku fikir noqday Madaxweyneyaal ka tirsan Maamul Goboleedyada  oo si weyn uga soo horjeeda Arrinkaas.

Shirka ayaa Saddexdii Maalin ee uu socday waxaa Hareeyay Dood ku aadan in Dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay Mataalaad ku yeeshaan Xubnaha Aqalka sare,iyadoo Xeerkii dhawaan uu soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya uu ku jiray in Dhamaan dadka Soomaaliyeed ay Helayaan xaquuqda ay leeyihiin islamarkaana Madasha wada-tashiga ay ka wada hadli doonaan Masiirka Muqdisho.