Xukuumada Soomaaliya oo shaacisay maalmaha ka harsan doorashada sanadkaan ka dhaceysa Soomaaliya

0

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cumar Carte oo shir uga qeybgalaayay dalka Denmark, ayaa si qoto dheer uga hadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Carte ayaa sheegay in DFS ay dadaal weyn ugu jirto sida ay ku qaban laheyd doorasho miisaan leh oo aan sababin fowdo iyo kacdoon, waxa uuna cadeeyay in qorshuhu yahay in doorashada ay dhacdo wakhtigeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Carte waxa uu sheegay in wakhtiga doorashada ay go’aan kula gaaren Beesha Caalamka, islamarkaana ujeedka uu yahay in DFS aysan ka hormarin misna ka dib dhicin wakhtiga lagu ballamay.

Carte waxa uu sidoo kale cadeeyay in doorashada Somalia ay ka harsan tahay wax ka yar 90 cisho, inta ka dhimana ay dadaal u gali doonaan sida lagu gaari lahaa doorasho caadil ah oo aan dhibaato ka dhalan.

“Doorashadu waxaa ka harsan wax ka yar 90 cisho runtii waxaan ku casuunay inay goob joogayaal ka ahaadaan wakiilada beesha caalamka ee Somalia u jooga, si doorashada ay u noqoto mid xor iyo xalaalba ah”

Geesta kale, Carte waxa uu ballanqaaday in doorashada soo socta ay Somalia gaari doonto doorasho nin iyo codkii.DFS oo shaacisay maalmaha ka harsan doorashada & Cidda lagu casuumay

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cumar Carte oo shir uga qeybgalaayay dalka Denmark, ayaa si qoto dheer uga hadlay doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Carte ayaa sheegay in DFS ay dadaal weyn ugu jirto sida ay ku qaban laheyd doorasho miisaan leh oo aan sababin fowdo iyo kacdoon, waxa uuna cadeeyay in qorshuhu yahay in doorashada ay dhacdo wakhtigeeda, sida uu hadalka u dhigay.

Carte waxa uu sheegay in wakhtiga doorashada ay go’aan kula gaaren Beesha Caalamka, islamarkaana ujeedka uu yahay in DFS aysan ka hormarin misna ka dib dhicin wakhtiga lagu ballamay.

Carte waxa uu sidoo kale cadeeyay in doorashada Somalia ay ka harsan tahay wax ka yar 90 cisho, inta ka dhimana ay dadaal u gali doonaan sida lagu gaari lahaa doorasho caadil ah oo aan dhibaato ka dhalan.

“Doorashadu waxaa ka harsan wax ka yar 90 cisho runtii waxaan ku casuunay inay goob joogayaal ka ahaadaan wakiilada beesha caalamka ee Somalia u jooga, si doorashada ay u noqoto mid xor iyo xalaalba ah”

Waxa uu ballanqaaday in doorashada soo socta ay Somalia gaari doonto doorasho nin iyo codkii.