Yuusuf Garaad oo warbixin la yaab leh ka qoray Heshiiskii Jig Jiga

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waan ku bogaadinayaa in uu ka qeyb qaato is fahamsiinta Dowlad Goboleedka GalMudug iyo Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo uu labadaba xiriirro kala duwan la leeyahay, ka dib markii ay iska horimaadyo kadhaceen beelo wada dega gudaha Ethiopia meel aan ka fogeyn soohdinta labada dal.

Waxaan filayaa Axmed in uu ku dhashay GalMudug, wakhti noloshiisa ka mid ahna ku qaatay dhanka kale ee soohdinta.

Sidoo kale labada Dowlad degaan ee labada dhinac ee soohdinta waan soo dhoweynayaa in ay si farsamo ah is faham uga gaaraan colaadda soohdinta ee soo noqnoqotay.

Waan soo dhoweynayaa wax kasta oo isdil iyo colaad lagu baajinayo, sahlina kara Soomaalida soohdinta degta aaggaas oo ka mid ah meelaha Gobolka Geeska Afrika ugu horumarka liidata.

Waxaa wadahadalka Jigjiga uu ku soo beegmay iyada oo dhowaan uu magaalada Nairobi ka dhacay shir dhex maray mas’uuliyiin iyo akhyaar kale oo Soomaaliyeed oo magac beeleed ku socda iyo Dowladda Kenya.

Xaalad in laga hadlo u baahan ayay isla soo qaadeen.

Midda xusuusta u baahan, oo qormadan igu kalliftay waxay tahay in ay Madaxweynayaasha iyo dowladaha Gobollada Soomaaliya iyo Madaxda qabaa’ilku ay u baahan yihiin in aan mugdi ka gelin waa in aanay iyagu mas’uul ka ahayn laba arrimood: Soohdimaha dalka iyo xiriirka dibadda ee Soomaaliya ay la leedahay Dowlad kale. Ha ahaatee Dowlad deris ah ama mid fog. Ha ahaato Dowlad saaxiib ah ama mid aan ahayn. Waa mas’uuliyad Dowladda Federaalka u taal.

Halis weyn ayaa ka soo socota haddii la caadeysto wixii dhici jiray berigii aan dowlad la’aanta ahayn ama lagu jiray ku meel gaarka.

Soohdimaha dalku waa soohdimaha caalamiga ah ee Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka la deriska ah. Sharciga Soomaaliya iyo kan caalamkana waxaa soohdimahaas mas’uul ka ah Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Madaxweyne Goboleed iyo beel Soomaaliyeed midna mas’uul kama ahan.

Soohdimaha dalka waxaa qaabbilsan Wasaaradda Difaaca iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xiriirka Dowladaha iyo Ururrada Caalamiga ahna waxaa qaabbilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Si aan Qarannimadeennu u wiiqmin waxaan u baahan nahay in aan dhammaanteen hey’adahaas uga dambeyno mas’uuliyaddooda, kulana xisaabtanno.

W/Q Yusuf Garaad