Axmed Ismaaciil Samatar Aqoonyahan Lagu Hungoobey.

0

Waxay ahayd 7 dii iyo 8 dii bishaan Juun ee Aan ku jirno 2016 oo barnaamijd isku mid ah aan ka daawaday HUCK tv .waxay ahayd riwaayad uu jilayey Axmed Cismaaciil Samantar.Qol shirarka loogu talagalay oo aad loo qurxiyey iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo muuqaalkoodu aad kuu soo jiidanaayo ayaa buuxdhaafiyey ,laakiin Axmed Ismaaciil Samantar uu ku jilaayey riwaayad qaawan oo ceeb ku ah,dhaqanka iyo taariikhda ummada Soomaaliyeed .

Dhalinyaradu waxay ahaa yeen ku qurbaha ku koray ama kuba dhashay oo aan waaya aragnimo habayaraatee u lahayn waayadii is bebedelay ee Soomaaliya iyo taariikhdeedii lama iloowaanka ahayd sida Waqtigii Axmed Gureey, Siyid Maxamed Cabdille Xasan,SYL iyo SNL iyo Kacaankii 21kii Octoobar1969.

Guulihii is dabajooga ahaa oo halgankaas lagu soo hooyey iyo masiibada burburisay qarankii Soomaaliyeed baa looga fadhiyey aqoonyahan Axmed inuu dayartta Soomaaliyeed hogatusaaleeyo,laakiin damaciisii siyaasadeed oo ku aadanaa Soomaaliweyn oo uu ku guuldarestay in uu qiil u raadiyo midka hadda ku ira oo ku wajahan beel iyo gobolna uu qiil u raadiyo ayuu riwaayad ugu jilay dhalinayaro Soomaaliyeed oo aan garan Karin waxa ku dhacay qarankoodii sharafta badnaa oo aduunyada caanka ka ahaa iyo magacxumada la soo daristay dalkooda iyo dadkooda.

Marka aan eegno barfasoor Axmed iyo kuwa kale ee la mid ah oo shirar badan aan arkay ayaga oo leh Soomaalidu isma aamini karto ayaga oo u kabagelinaaya kala googo iyo sii kala tag intii ay xal raadin lahaayeen ayaga oo isku duuban,ayaan waxaan is weydiiyaa aqoonta dadka aduunyada waxbay tartaa ee aqoonyanka soomaalida maxay u kordhisaa?

Axmed wuxuu xabaal ku duugayey taariikhda ummada Soomaliyeed,26kii juun 1960 iyo 1dii luulyo intuu dobool saaray buu qurxinaayey 18ka May,da,da iyo aqoonta lagu tibaaxaayo sow ceeb kuma ahayn.Axmed wuxuu sheegay in uu Jaalle Maxamed Siyaad Barre AUN uu ku yiri(taariikhdaada waa dhamaatay oo gabalkeedii waa dhacay ee adiga iyo caa,ilaadaadu iskaga baxa dalka inta aysan gacantaada ku burburin,asaga oo qiray in Mogadishow Casiimadaha Afrika laga kormariyey hargaysa oo daabiyad ahayd casiimad loo ekeeysiiyey.In kasta oon filaayo inta horfariistay Jaalle Maxamed Siyaad in Axmed saas ku yiri in aysan dhicin.wxaan Axmed weydiin Jaalle Siyaad tag tiriyey yaad kula talisay in uu u dhiibo oo uga tago?

Waxaa kale oo uu soo qaaday qoraalkii kooxdii maanasfeesto ahayd, waa jirtay .Axmadow waa su,aal kale ee hadduu yeelo Soomaalidii gacanta ku haysatey hubkii dalka yiilay iyo kuwii cadawgii soo jreenka ahaa soo hubeeyeen oo xabada ridayey ma heshiin lahaayeen oo burburka waa laga baaqsan lahaa miyaad dadka Soomaliyeed iyo dhalinyarada ka dhaadhicineysaa haatan? Dadkase aan weydiiyee nin weyn oo wax yaqaan garashadi ma tahay? Axmed iyo Soomaalida Naqdin baa u furan

W/Q: Cabdullaahi Jimcaale,jooga London
Email:Saanyar30@hotmail.com
Tel.+44-7572336192