DHAGEYSO:- Arday Sababo Amni uga baxday Imtixaanaadka ay dowlada qaadeyso iyo Dowlada oo ka hadashay

0

Iyadoo Dowladda Soomaaliya ay Axadii la soo dhaafay daah-furtay Imtixaanaadka Mideysan ee Dugsiyada Sare ayaa waxaa jira Arday Imtixaanaadka ka qeyb galayay oo Sababo amni uga haray,kuwaas oo ku nool Magaalada Muqdisho.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cali Xasan Xaamud ayaa sheegay in ugu yaraan 19 Kun oo Aday ay ka qeyb galeen Imtixaanaadka Mideysan ee Dugsiyada sare Ee Soomaaliya islamarkaana ay jiraan Arday ka baaqsaday dhanka Amniga Awgeed,kuwaas oo dad ay u sheeko Xumeyeen oo ay ku yiraadeen waa la idin dilayaa ama waa la idin Qarxinayaa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-