DHAGEYSO:- Dowlada Kenya oo waqti kama dambeys ah u qabatay xirista xerada qaxootiga Dhadhaab

0

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday waqtiga ugu dambeysa ee ay albaabada u soo laabayso xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo ah xerada qaxootiga ee caalamka ugu weyn.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Kenya, Joseph Nkaisserry ayaa sheegay in bisha November ee sanadkan la xiri doono xerada qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin qaxooti ku dhow nus malyuun Soomaali u badan.

Mr Nkaisserry ayaa sheegay in dowladdiisu ay kala shaqeyn doonto QM iyo dowladda Soomaaliya sidii dib loogu celin lahaa dalkooda qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeradaas.

Xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa la aas’aasay sanadkii 1991-kii xilligaas oo kumanaan ruux ay ka soo carareen dagaalladii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka bilowday.

Dadka ku nool xerada Dhadhaab ayaa degenaa muddo ka badan labaatan sano.

Kenya ayaa sheegtay inay u xireyso xerada qaxootiga sababo ammaan awgeed, waxayna ku tilmaantay xerada Dhadhaab  goob laga soo abaabulo weerarrada hubeysan ee ka dhaca dalkeeda.

Hayeeshe, QM ayaa sheegtay inaysan jirin caddeymo dhab ah oo tilmaamaya in xerada qaxootiga ay hoy u tahay argagaxisada.

Warkan ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha dowladda Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Nairobi uu ka dhacay kulan saddex geesood ah kaas oo ay yeesheen wasiirro arrimo dibadeedyada Soomaaliya iyo Kenya iyo wakiilka hay’ada qaxootiga QM u fadhiya Kenya.

Kulankan ayaa waxaa kasoo baxay in dib u celinta qaxootiga ay noqoto mid loo raaco heshiiskii hore ay saddexda dhinac u gaareen; uuna noqdaa mid si mutadawacnimo ah dadka loogu celiyo dalkooda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-