DHAGEYSO:- Galmudug oo dalbatay in la cadeeyo xaqa Muqdisho ee Aqalka Sare

0

Wasiirka Wasaarada Dastuurka maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la helo maqaamka gobolka Banaadir uu ku leeyahay Aqalka Sare.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay aan la xaqirin xaqa ay leeyihiin Shacabka gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Maamulka Galmudug ay Madaxda Soomaalida ugu baaqayaan in la cadeeyo maqaamka gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed midnimadooda laga shaqeeyo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soconayo shirka Madasha wadatashiga qaran oo loogu hadlayo Cabashada shacabka Muqdisho iyo sidii loo siin lahaa xaqa ay ku leeyihiin aqalka Sare.

Hoos ka Dhageyso Codka:-