DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Galcad “ Al-Shabaab nama go’doomin, awoodna uma lahan waan ka guuleysanahay”..

0

Gudoomiyaha Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud Khadar Maxamuud ayaa si cad u beeniyay Wararka sheegaya in Al-Shabaab ay go’doomiyeen dhamaan wadooyinka soo gala Degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab aysan awood u lahayn in ay go’doomiyaah Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Degmada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in Warbaahinta qaar gudaha Soomaaliya ka howl gasha ay beentaasi faafiyeen isla marklaana aysan jirin Al-Shabaab go’doomiyay degmada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-