DHAGEYSO:- Hay’ada UNHCR oo sheegay iney korortay tirada Muhaajiriinta

0

Hay’ada UNCHR ayaa sheegtay in ay korortay tirada qaxootiga ku dhimanaya badda u dhaxeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya.

UNCHR waxay sheegtay markii la eego sanadkaan iyo sanadyadii la soo dhaafay in uu farqi weyn u dhaxeeyo ,islamarkaana tirada sanadkaan ku dhimatay badda ay aad korortay.

Kudhawaad 2,500 oo muhaajiriin ah ayaa sanadkan ku geeriyooday badda Meditareeniyaanka, ayaga oo isku dayaya inay u gudbaan Yurub, sida ay ku warantay hay’adda QM u qaabilsan arimaha  qaxootiga ee UNHCR.

Afhayeenka UNHCR William Spindler ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada Geneva in sanadkaan bilihii ugu horeeyey ay dhinteen muhaajiriin aad u farabadan oo kasoo kala jeeda Afrika iyo bariga Dhexe,waxuuna qeylo dhaan ka muujiyey dhimashada muhaajiriinta oo sii kordhaysa sanadba sanadka ka dambeeya.

Horaantii sanadkaan ayaa waxaa ku dhintay badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga muhaajiriin aad u farabadan oo kasoo kala jeeda qaarada Afrika iyo dalalka Syria, Afghanistan iyo Ciraq.

Hoos ka Dhageyso Codka:-