DHAGEYSO:- Howl gal Culus oo laga sameeyay Degmada Qoryooleey iyo dad badan oo lagu soo qabtay

0

Guddoomiye kuxigeenka dhanka amniga iyo siyaasada degmada Qoryooley ee  Gobolka shabeelaha Hoose ayaa waxaa uu faafaahin kabixiyay Dad lagu soo qab qabtay howlgalo ay ka sameeyeen ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM degmadaasi.

Howlgallada ayaa ka dambeeyay Kadib markii qarax banbaano uu ka  dhacay nawaaxiga saldhiga Degmada Qoryooley halkaas oo fariisin u ah Ciidamada Huwanta ah.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka degmada Qoryooley ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in howlgalada ay sameeyeen Ciidamadaasi isgarabsanaya ay gacanta ku soo dhigeen 2 ruux oo la tuhmey,  inkastoo markii danbe Ciidamadu ay toogteen mid kamida labadaasi  ruux kadib markii uu ka dhaga adeegay in uu Ciidamada isku soo dhiibo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-