DHAGEYSO:- Nabadoon Xaad oo sheegay in Shacabka Muqdisho ay dhisanayaan Maamul goboleed gaar ah

0

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ka Hadlay Xaqa ay ku yelaneyso Muqdisho ee Aqal Sare ee Dalka oo Dood adag ka Tagan tahay

Nabdoon Xaad ayaa Shaac ka qaaday in wax Natiijo ah aysan ka Sugeyn Shirka Muqdisho oo ah inay ka soo baxdo Kuraasta Aqal sare ee ay ku yelanaya Shacbka Muqdisho.

isagoo intaa ku daray ineysan uga fadhin Madaxda Hada shirka uu uga Soconayo Magalada ineysan u fadhin in Muqdisho ay wax Siiyan ama ay u Diidaan.

Guddoomiye Maxamed Xasan Xaad ayaa Nasiib Daro ku Tilmamay in Rag wax meel soo Dhigtay sida u Hadalka u Dhigay wax laga Weydiiyo Shacbka Muqdisho wax yelanayaan isagao baaq u diray Shacbka ku Nool Gobolka Banaadir.

Sidoo Guddoomiya Dhaqanka Belaha Hawiye Xaad oo Tilmaan ahaan usoo qatay Sadexda Malayan ee Magalada Muqdisho ku Nool ayaa Xusay in ay Sameysan Doonaan Maamulka cusub ay ku baadi Gobaan Xaqa ay leyihiin shacabka Reer Muqdisho.

Madaxda Dowlada Dhex iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka oo Maalintii Afaraad ku Shirsan Magalada Mqudisho ayaa isku mari la’xaq ay ledahay Muqdisho walina wax natijo ah kama soo bixin Shiraka Hada Usocda Hogaamiyayasha.

Hoos ka Dhageyso Codka:-