DHAGEYSO:- Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday duleedka Magaalada Kismaayo

0

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal oo loo maleenayo in laga leeyahay Dalka Mareykanka ay Xalay Duqeymo xoogan ka geysteen deegaano Duleed ka ah Magaalada Kismaayo oo ay ku suagn yihiin Al Shabaab.

Ciidamadan sida gaarka u tababaran ee Ajnabiga ah ayaa lagu soo waramayaa in Weerar ay ku qadaeen Degaanada Farwaamo iyo Buulo-Gaduud oo qiyaas ahaan 30Km dhanka Waqooyi uga beegan Magaalada Kismaayo.

Deegaanadan la weeraray ayaa waxaa ku sugnaa Al Shabaab balse wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay halkaasi isaga baxeen kadib markii Dagaal Xoogan ay halkaasi kula galeen Ciidamadan Weerarka fuliyay.

Wararaka ayaa sheegaya in Weerarkaasi lagu Dilay 4 Dagaal yahan oo ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana sidoo kale Weerarkaasi lagu qabsaday Gaari nuuca loo yaqaano Noha.

Hoos ka Dhageyso Codka:-