Doorashada Xasan Sheekh Kismaayo Ma Lugu Yeelan Karaa? Qaybta 1

0

ADOO GURI MURAAYADA KU JIRA DHAGAX LAMA TUURO!

Waxaan ku dhashay magaalada Kismaayo. Waxaan sidoo kale kusoo noola Dhoobley iyo Jilib,intaasi waa Jubada hoose iyo Juba dhexe. Waxaan kusoo noolayn Marka oo Shabeele hoose ah.

Sidoo kale waxaan kusoo noolayn Xamar kuna soo koray Ceelhindi.

Ayaamahan waxaa batay in ninkasta Jubooyinka uu sheegto, kaaga sii darane waa dad aan abtirsigooduba gelin. Marka maanta waxaan rabaa inaan qodobkasta siduu yahay meel u saaro mar dambana Jubooyinka aan la isugu soo noqon. Qodobada aan ka hadli doono waxay kala yihiin:

Kismaayo Hawiye wax maku leeyiniin?

Jubooyinka ma meel Soomaalidoo dhan wada degtaa?

Soomaalidu waa 5 beelood?

4.5………..khiyaano gun dheer!

Waxaa la gaaray wakhtigii Hawiyaha dulmigooda gacan bir ah la isaga qaban lahaa ama inta iyaga ku dhex jirta ee laga nasan waayay. Dadka Soomaaliyeed ee koonfureed waxaa lugu hayaa qashqashaad joogto ah oo aan dhamaad lahayn, ilaa ay gaartay heer maanta la sheegto gobolo aan shalay magaca hawiye lagaba aqoon. Maadaama Hawiyaha dhexdooda laga waayay koox qashqashaada iyo daandaansiga qabata waxaan ku khasbanaaday inaan u jawaabo waliba u jawaabid kaliya ma ehee inaan gebi ahaamba zuuliyo khiyaanooyinkooda iyo qashqashaadooda meel fogna uga soo haro si dadka Soomaaliyeed ee koonfureed uga nastaan. Haday soo baxaan dad Hawiye ah oo dulmiga qabanaya markaa ana waan joojinayaa qoraalkayga.

Hawiye Kismaayo waxba kuma leh

Waxaa la yiri ishiisa laga arkaa ushiisa lugu tumaa! Si aan u cadeeyo in Hawiye magaalda Kismaayo ama guud ahaan Jubooyinka uusan waxbaba ugu lahayn waa inaan marka hore isla fahanaa “horta Hawiye yaa la dhahaa” sheegashada Kismaayo waxay la mid tahay Xamar Daarood baa wax kaleh. Hadaba waa inaan taariikhda dib ugu noqonaa si aan taa u fahano.

Wakhtiyadii Soomaalidu ay bilowday inay isu timaado si ay u noqdaan hal wadan oo hal calan iyo hal talis leh waxay ka soo bilaabmaysaa qiyaastii 1920 waana wakhtiyadii ay soo xoogaysanyeen dhaqdhaqaaqyadii xuriyad doonka. Markii la soo gaaray 1950 ayaa Soomaalida dowladii ugu horaysay loo dhisay. Mudo kadib waxaa bilaabatay in qabaailku wax qaybsadaan.

Qabiiladii Soomaaliyeed baa soo saftay waxayna kala ahaayeen:

Isaaq

Daarood

Hawiye

Digil & Mirifle

Gadabursi

Xawaadle

Reer Benaadir

Shiikhaal

Warday

Jareer

Gaaljecel

Dir

Garre

Degoodi

Ajuuraan……(laga yaabo inaan qaar kale ilowsanahay)

Halkaasi waa 15 beelood, waxaa is waydiin mudan hadii 15 beelood la ahaa maalinkii calanka la qaatay ee 1960 iyo kahor ba see maanta ku noqonay 5 beelood? 10 ka beelood ee maqan ma cirkaa loo fiiriyay? Meesha lugu qariyay dib baan ka sheegi doonaa. Afartii beelood ee ugu waynaa xiligii xuriyada la qaatay ayaan rabaa inaan sii fiican u faahfaahiyo.

Maalinkaas yaa ahaa Isaaq?

Markii xuriyada la qaadanayay beel walba waxay afkeeda ka sheegatay say u kala baxdo iyo halkay degto, taas ayaan rabaa inaan dadka dib u xusuusiyo. Waxaan ku bilaabayaa Isaaq. Isaaq waxay ahaayeen Habar-awal, Habar-jeclo iyo Habar-yoonis. Wadankana ka degaan 2 gobol oo waqooyi ah, kuwaasoo kala ah Hargeysa iyo Burco. Lafaha aadka u yaryar waan ka tagayaa.

Maalinkaas yaa ahaa Daarood?

Beesha Daarood waxay sheegatay inay u kala baxdo Mareexaan, Ogaadeen, Majeerteen iyo Dhulbahante. Ayna wadanka ka deganyihiin Laascaanood, Ceerigaabo(bariga), Boosaaso, Garowe-waqooyiga Mudug, Garbahaarey iyo qayb Jubada hoose ah.

Maalinkaas yaa ahaa Digil & Mirifle?

Digil & Mirifle waxaa deegaankooda ahaa Baydhabo, Xudur, Shabeele hoose intiisa badan iyo qayb Jubada dhexe ah.
Maalinkaas yaa ahaa Hawiye?

Beesha Hawiye ayadana waxay ahayd maalinkaas Abgaal, Habargidir iyo Murusade. Soomaaliyana ay ka degto 2 gobol iyo bar, kuwaasoo kala ah Jowhar, Dhuusamareeb iyo koonfurta Mudug. Ciyaar waa gelin dambe. Xusuusnow wali kamaanan jawaabin su’aashii muhiimka ahayd! La soco qaybta dambe oo aad u xiiso badan runtiina ah very informative and educative.

Email: commander.jamal@gmail.com