Galmudug: Shacabka Reer Galmudug Waa Inay Galmudug Bad Baadiyaan, Cabdikariin Xuseen Guuleed Iyo Maxamed Xaashi Cabdi Waa Ay Fashilmeen.

0

Subax waa subax saakase xaalada waxay maraysaa xiligii shacabka reer Galmudug ay bad baadin lahaayeen Galmudug sababtoo ah Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Xaashi Cabdi Waa Fashilmeen.

Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Xaashi Cabdi ujeedka ugu weynaa ee meesha loo keenay amaba mamaulka loogu dhiibay waxa ay ahayd in Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo laabto xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya ee gabagabada iminka ka ah, tan iyo maalinkii ay xilka qabteen ilaa maanta oo la joogo Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Xaashi Cabdi ma ay jiraan wax muuqda oo ay kusoo kordhiyeen Maamulka, deegaanada iyo shacab weynaha Reer Galmudug.

Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Xaashi Cabdi waxa kaliya oo ay Galmudug kusoo kordhiyeen waa dhawr arrimood

1- In Colaado joogta ah ay ka dhacaan deegaanada Galmudug haba ugu badnaadeen Gelinsoor iyo Nawaaxigeeda iyo ciidamadan sida joogtada ah ugu dul dagaalamaya shacabka Magaalada Cadaado.

2- In ay si joogta ah u raacaan Diyaarado iyagoo inta badan safar uga maqan deegaanada Maamulka Galmudug, tusaale ahaan eeg maanta, magaalada Cadaado dagaal ayaa ka dhacay, xagee jiraan ama joogaan?

3- In ay sii Kala fogeeyeen islamarkaana isnacsiiyeen dadka wada daga deegaanada Galmudug halkii ay isu soo dhaweyn lahaayeen.

4- Dilal iyo aanooyin qabiil oo si Joogta ah uga dhaca deegaan Alle deegaanka ay tagaan ama booqdaan iyo xalin la’aan iyo sidoo kale  isu soo dhaweynta bulshada oo gabi ahaanteedba luntay (Dadka Reer Galmudug maanta waa wada Keeb la yurur).

5- Horumar la’aan dhan walba ah iyo balan qaadyo sy si joogto ah u sameeyaan kuwaa oo ah barwaaqo iyo horumar deegaanada Galmudug  dhamaantoodna been ah.

guled

Sawirka: Cabdikariin Xuseen Guuleed Iyo Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)

Dhiaca kale maamulka Galmudug tan iyo maalinkii ay xilka u qabteen Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Xaashi Cabdi ma uu jiro hal Wasaarad ah oo leh wax xafiis ah ama goobo ay ugu adeega Bulshada reer Galmudug, gabi ahaana majiro hal Xildhibaan ama hal wasiir ah oo qaata mushaar, halka Cabdikariin Xuseen Guuleed xafiis uu ku leeyahay Xarunta Villa Somalia ee Muqdisho, guri qiimihiisu yahay $500,000 (Shan Boqol oo kun oo doolar) uu ka gatay Xafaada Madiinatii ee dalka Masar.

Waxaa baaq u dirayaa dhamaan inta samaha iyo horumarka lajecel dadka iyo deegaanadooda ee aysan diloon qabyaalada iyo indha adeega, waxaa la gaaray xiligii Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo qaybaha kale ee bulshada reer Galmudug ay u kici lahaayeen sidii ay u bad baadin lahaayeen Maamulka Galmudug, maadaama Cabdi kariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Xaashi Cabdi ay ku fashilmeen hawlihii loo idmaday amaba looga fadhiyay inay usoo kordhiyaan shacabka Reer Galmudug.

Gabagabadi Waxaan sidoo kale baaq u dirayaa Baarlamaanka Galmudug oo aad moodo qudhooda kuwo hawlihii loo idmaday gabay inay boorka iska jafaan unna guntadaan sidii ay u bad baadin lahaayeen maamulka Galmudug inta ay goori goor tahay maadaama dalku galayo xili kala guur ah si aysan Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Xaashi Cabdi u sarifan magaca Galmudug oo ay xubno shanta sano ee soo socota lahara Galmudug Federaalka ugu darin amaba geeyn, tagoogaha qabta kana xayuubiya xilka waa ay gudan waayeen waajibkii shaqo ee loo idmaday, haddii aydnaan sidaa yeelina ogaada qaybta ugu badan mas’uuliyada adinka Xildhibaanada Baarlamaanka ah ayaa yeelanaya markii Galmudug lagu kala tago ama ay burburto.

Wabilaahi Tawfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg