Musharaxa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka ah Khaliif Ashkir Diini-Xoosh oo soo bandhigay qoraal aad mihiim u ah.

0

Musharaxa u taagan Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Fedaraalka ah Khaliif Ashkir, isla markaana ah mid ka mid ah qoraayaasha waaweyn ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ee dalka Ingiriiska oo lasoo xiriiray Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa soo bandhigay qoraal uu ugu magac darey “Caano daateyba dabadood la qabay” kaasoo uu aad ugu faahfaahinayo Meeqaanka laga rabo inuu yeesho Aqalka sare.

Waxaa Musharaxu uu qoraalkiisaan si fiican bulshada Soomaaliyeed ugu iftiiminayaa Shuruudaha laga rabo qofka doonayo inuu ka mid noqdo Golaha Sare ee Aqalka Baarlamaanka iyo doorka ay golahaasi ka ciyaari karaan musuqmaasuqa dalkeena ku habsadey.

Waxaana Musharax Khaliif Ashkir Diini-xoosh uu qoraalkiisa uu u qornaa sida hoos ku xusan:-
CAANO DAATAYBA DABADOOD LA QABAY.

1. Waxaa Soomaliya go’aansatay inay markii ugu horeysey yeelato golaha aqalka sare.

2. Sida muuqata lama wada yaqaan macna hadhabta ah ee uu ku fadhiyo golahaasu maddaama ay tahay markii ugu horeysey ee dalku yeesho ha’yad nocaas ah.

3. Dad badani waxay is weydiin karaan maxaa dalka dhaqaale xumada la liic-liicaya loogu samaynayaa laba gole, iyadoo mid kaliyu ku filan yahay?

4. Taasu waxay muujinaysaa inaan dadkayaga intiisa aad u badan fahan-saneyn baahida loo qabi karo golaha odayaasha.

5. Waxaan is leeyahay waa gartayo inaan ku wareerno sababta la isku dul saarayo laba gole.

6. Laakiin arrintaas waxaan ka biskoon karnaa markii aan fahanno dulalaatiga (farqiga) u dhexeeya dadka galaya labada gole siday u kala-duwan yihiin, iyo sidoo kale shaqada ay qabanayaan siday u kala xeel-dheertahay.

7. Waxaa suurogal ah in aqalka hoose ay soo galaan dhalinyarada da’da bisaylka gaaray oo aan waligood shaqo dawladeed qaban, laakiin kan aqalka sare maya! Maya! Maya!.

QODOBBADA MUHIIMKA AH EE LAGA DOONAYO KA TIRSANAHA GOLAHA SARE,

• Waa axad bulshada xagga wanaaga uga teedan (ugu calaameysan). Deliberate selected body

• Waa in uu yahay jilib-culus da’weyn.

• Waa inuu jagooyin sar-sare soo qabtay laguna mahadiyey.

• Siyaasadda dalka iyo midda dunida kaleba waa in uu aqoon durugsan u leeyahay ama uu ugu yaraan fikrad fiican ka haystaa.

• Waa inuu laba daran kala dooran karaa.

• Waa inuu qab ku filan leeyahay kana fogeeyo hunguri-xumo iyo eex leeyahay.

• Waa inuu balwad nooc-kasta oo ay tahayba ka madax bannaan yahay.

• Waa inuu cir-yar yahay ee uuna haruub-raac badayn.

• Waa inuu wax-yaqaan waxna garanayo.

• Waa inuu halabuur leeyahay (fantasia).

• Waa in uu Xaaladda iyo waqtiga qiimayn karo ee uuna arkaa-jira-doon ahayn.

• Intaas waxaa dheer wixii guddiga doorashadu u asteeyo.

• SOOMAALIDU DHAQAN MA U LAHAYD AQALKA SARE?

• Waxaa jirey odayaal tilmaamahaasoo kale leh oo lagu magacaabi jiray guurti.

• Laakiin shaqadii ay qaban jireen waa ka toox-yarayd (mug-yarayd). Midda aqalka sare laga rabo inuu qabto.

• Aan u dayno in qofkastaa garanayo dulalaatiga u dhexeeya masuuliyad qaran iyo mid qabiil. Taasu waxay inoo qeexaysaa farqiga u dhexeeya:-odayaal qaran iyo kuwa qabiil.

• Waxaa shaqsiga aqalka sare laga rabo, tilmaan buuxda in ka siinaya sheekooyinkii laga soo wariyey ODAY-BIIQAY oo ahaa ninkii ARRAWEELO dhuunta u galay. (wixii uu fali jiray dadka weydii hadii aadan horay u aqoon).

• Hay’addaan dawladaha qaarkood waxay ku magacaabaan DHAGAX-DIXEED (hard stone).

• Waxaa sidaas loogu bixiyey in ay tahay mid aan sina loo marsiin karin wax ayna ku jirin danta dalka iyo dadku.

• Taasuna waa tan looga marmi waayey in la dhiso.

• Lama laashuushi karo.

• Looma caga-jugleyn karo.

• Qabiil looma addeegsan karo.

• Jagooyin laguma gor-gorin karo (hawl-gab ayeyba u badan yihiin).

• WAXAY SOOMALLIDA MAANTA U LEEYIHIIN QIIMA GAAR AH.

• Sidaan wada og nahay, waxaa dalkeenna ku habsadey musuq-maasuuq intuu xididdada buux-dhaafiyey lafaha cuskaday oo (cancer) ku noqday,haddaan si kale u dhaho wuxuu ku milmay hab-dhaqanka qaranka heer uu ka mid noqday macaamilka maalinlaha ah.

• Xukuumadda, golaha shacabka, garsoorka, ciidamada qalabka sida, ganacsiga, diinta, bulshada ra’yadka ah, odayaasha dhaqanka, NGOS, safaaradaha dibadda, xataa gaalada nala joogta, ma jirto meel fayow oo loo irkanayo.

• Haddaba, Soomaalidu waxay ku MAH-MAAHDA:-Caano daadayba dabadoodaa la qabtaa! Waxaan aamin sanahay, in haddii laba tallaabo laqaado wuxuun ceyman lahaayeen.
1. Haddii Golaha odoyaasha sharuudaha kor ku qeexan lagu soo xulo.

2. Haddii maxkamadda dastuurka madax looga dhigo Maxamuud Geelle oo kale. Waxaan Maxamuud Geelle u majiirtay waa aqoon hoose oo aan u leeyahay waxaanna quuddarraynayaa in qofkasta oo la shaqeeyey igu raacayo qodob-kaas. (laakiin huu-haadu waa wax kale).

3. Labadaas qodob waxay waxuun ka sixi lahaayeen musuqmaasuqa siyaasadda, haddii siyaasaddu saxantana, waxyaabaha kale rejey yeelan lahaayeen.

4. Guntii iyo gabagabadii, waxaan dadka middida daabkeeda haya ee u kala baxa:- siyaasiin, maamul iyo dhaqanbba u soo jeedinayaa talo codsi xambaarsan oo wadnahayga ka soo go’day, taasoo ah in lagu mintido labadaas hay’adood oo aan sidii khaldanayd ee wax loo soo xuli jiray, kuwaana loo soo xulin.

 

Khaliif Ashkir Diini, Aasaasaha Rugta Maskaxda
Email.khalifashkir35@hotmail.com
London, United Kingdom

khaliif

Hoos Ka Daawo Afur Sharafeed Loo Sameeyay Musharax Khaliif Ashkir Diini